Qarax lala beegsaday masuuliyiin ku sugnaa magaalada Baardheere

BAARDHEERE (NOGOBNEWS) 14/03/2023

Wararka ka imaanaya magaalada Bardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka qarax lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.Masuuliyiinta halkaas ku sugnaa ayaa la sheegay inay la socdeen wefdi uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).Ilaa hadda lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaas balse xogaha laga helayo magaaladaas ayaa sheegaya in isgaarsiinta ay go’antahay.Waxaa maalmahan siyaabo kala duwan looga hadlayay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.Siyaasiyiinta abaabushay ciidankaas oo ay hoggaaminayaan Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku doodaya in ciidanka uu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe.

nogob news

Comments are closed