Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadlay xaaladda fatahaadaha ee Wabiga Shabeelle

Godey (NN) 12/05/2023

Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Shabeelle ayaa sheegaya in fatahaado uu sameeyay Wabiga Shabeelle ay ku barakaceen dad aad u badan oo degganaa degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Shabeelle, halkaas oo uu maro Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Adan Axmed Sooyaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in fatahaadahani ay saameeyeen dad gaaraya ilaa 37,632 qof, halka ay ku barakaceen ilaa dad gaaraya 17,299 qof, dadkan ayuu guddoomiyuhu xusay inay u qaxeen degaannada banaanka ah ee ka fog goobaha ay fatahaaduhu saameeyeen.

Dhinaca dhimashada Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in fatahaadahani ay ku geeriyoodeen ilaa 7 qof oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen degmooyinka Cadaadle, Mustaxiil iyo Iimey berri, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo iyaguna dhaawac kasoo gaaray fatahaadan oo ilaa 3 qof ah kuwaas oo Yaxaas dhibaato u gaystay.

Khasaaraha kale ee ay fatahaadahani geysteen waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in dalagii beeraha uu saameeyey fatahaadahani, iyadoo dhul beereed dhan ilaa 67,226 Hektar ah ay baabi’iyeen fatahaadahan, dalaggan ayaa ahaa mid la gooyay iyo mid geedka saaran, dhammaantoodna waxaa xaaqay fatahaadan uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

Dhinaca kale Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadka ay saameeyeen fatahahaadahan ay gaarsiiyeen gargaar raashin iyo waxay u baahnaayeen, isagoo xusay in kuwa kale ee aysan gaarin ay ku rajo weyn yihiin in la gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin.

Wabiga Shabeelle oo mara qaybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida iyo Soomaaliya ayaa keenay fatahaado waaweyn oo ay ku barakaceen dad aad u badan, iyadoo fatahaadahani ay sidoo kale saameeyeen guryo badan iyo dhul beereedyo ay dadku tabcadeen.

Comments are closed