Ciidamo ka gadoodsan doorashada dowladaha hoose ee Puntland oo kasoo baxay furimaha dagaalka Laascaanood

Laascaanood (NN) 16/05/2023

Ciidamo maleyshiyaad ah oo kasoo baxay furimaha dagaalka ee  magaalada Laascaanood ayaa xalay gudaha usoo galay magaalada Garowe.

Ciidamadan ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu iska hor imaad duleedka bari ee magaalada Garowe ku dhexmaray iyaga iyo ciidamo kale oo loo xilsaaray amniga doorashada.

Illaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadkaan oo muddo kooban socday.

Arrintan ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii siyaasiyiin mucaarad ah oo Garowe ku shiray ay ka hor yimaadeen doorashada dowladaha hoose ee loo ballansan yahay inay Puntland ka qabsoomto 25-ka bishaan May,

Siyaasiyiinta ayaa sheegay inay Puntland wajahayso xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni, haddii uu madaxweyne Deni qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Ciidamadan kasoo baxay furimaha dagaalka waxaa la sheegay inay ka amar qaataan siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo si gaar ah loogu eedeynayo siyaasiyiinta kasoo jeeda Garowe oo ay Deni aad isku hayaan.

Iska hor imaadka ayaa kusoo aaday, xilli guddiga doorashada Puntland uu isku diyaarinayo inuu degmooyinka u kala diro sanaadiiqda codbixinta doorashada.

Garoowe wariye jamac saciid nogobnews

Comments are closed