Dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo ka socda duleedka Laascaanood

Laascaanood (NN) 16/05/2023

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya ayaa in bariga iyo galbeedka magaalada uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay kaddib markii ciidamada Somaliland ay dhaqdhaqaqyo ciidan ka sameeyeen jiidaha ay ku sugan yihiin.

Daryanka madaafiicda la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalku geystay. Mano jirto cid katirsan labada dhinac oo ka hadashay dagaalka.

Saakay hore, baraha bulshada ayaa lagu arkayay gaadiid xambaarsan hubka darandooriga u dhaca oo ay leeyihiin ciidamada Somaliland, kuwaas oo kusii jeeday taliska Goojacadde.

Dagaalka saakay ayaa yimid xilli xalay ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo katirsan kuwii ku sugnaa jiidaha dagaalka Laascaanood ay soo faarujiyeen.

Ciidamadan oo ka gadoodsan doorashada dowladaha hoose ee Puntland ayaa soo aaday  Garowe, iyagoo qorshahoodu yahay inay is hor istaag ku sameeyaan qabsoomida doorashada.

wariye jamac saciid nogobnews garoowe

Comments are closed