Axmed Ciise Cawad: Madaxweyne Deni ayaa masuul ka ah qalalaase kaste oo ka dhaca Puntland

Garoowe (NN) 1705/2023

Wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay Puntland qalaalase siyaasadeed wajihi karto haddii Madaxweyne Deni uusan caddeynin in doorashada qof iyo cod ay ku eg tahay dowladaha hoose oo kaliya.

Wasiir hore Cawad ayaa ku raacay madaxweyne Sheikh Maxamuud aragtidiisa ku aadan in Puntland dhibaato weyn wajihi karto haddii maamulka madaxweyne Deni uu xallin khilaafka ka taagan doorashada.

Wuxuu sheegay madasha siyaasada Puntland in ay horey uga dhigtay cawaaqib xumada ka dhalan karta in madaxweyne Deni uusan dhegaysan talada dadka. Wuxuu sheegay eedayntii loo jeediyay nadaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud in ay tahay mid aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in madaxweyne Deni uu masuul ka yahay dhibaatada ka dhacday Garowe.  

Cawad wuxuu dhinaca kale dhaliilay in xalka xabbad lagu raadiyo oo Puntland loo horseedo colaad dhiig ku daato, sida arrintii shalay ka dhacay magaalada Garowe. Taasoo ciidamo malayshiyaad ah ay weerareen ciidamo maamulka katirsan oo ka shaqeynayay doorashada.

Jamac siciid nogobnews garoowe

Comments are closed