DAAWO Puntland oo amartay in lasoo xiro wasiirkii hore ee maaliyadda iyo saddex kale oo ku eedeysan weerarkii Garowe ka dhacay

Garoowe 17/05/2023 Puntland ayaa soo saartay waaran lagusoo xirayo afar kamid ah siyaasiyiinta Puntland oo lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen weerarkii habeen hore lagu dilay askar katirsan ciidanka Puntland.

Xubnaha waaranka loosoo jaray waxay kala yihiin, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan shire Abgaal, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, ergayga madaxweyne Xasan Sheikh u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha,  siyaasi Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax (Laysar).

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Axmed Taaraan ayaa sheegay baaris la sameeyay kaddib in lagu ogaaday raggan inay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday ciidamada ilaalinayay sanaadiiqda doorashada, weerarkaas oo dhaliyay dhimashada labo askari oo katirsan ciidanka booliiska.

Xeer ilaaiyuhu wuxuu sheegay in ciidamada booliiska lagu amray inay soo qabtaan afarta eedeysane ee loo haysto dambigaan. Wuxuuna sheegay in lasoo taagidoono maxkamad.

Go’aanka kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, ayaa yimid, iyadoo dhawaan taliyaha ciidanka Booliiska uu sheegay in ay weerari doonaan cid kaste oo iskudayda inay carqaladeeyaan amniga doorashada.

Comments are closed