Daawo Doha: Shirkii Dalalka Batroolka soo saara oo fashilay

dohaQatar (NN) 18/04/2016

Shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Doxa ee dalka Qatar uga socday wadamada Saliida soo saara ayaa fashilay kadib markii ay ku heshiin waayeen dalalkaasi hoos u dhigida cadadka Batroolka la suuqgeeyo.

Shirka-Opec-Doxa2016

Shirka dalalka OPEC ayaa waxa looga hadlayey qiimaha hoos usii dhacaya ee Batroolka, waxayna dalalka Saliida soosaara ay ka wadahadlayeen qorshe hoos loogu dhigayo cadadka Saliida la suuq geeyo, si markaasi qiimaha shidaalka uu sare ugu soo kaco.

Balse shirkan ayaan intuusan bilaaban waxaaba diiday inay kasoo qeyb gasho Dowlada IRAN oo kamid ah dalalka batroolka soo saara. IRAN oo sanadkan laga qaaday cunaqabateyntii caalamiga ahayd ayaa dooneysa inay dar dar geliso batroolka ay suuq geyso maadaama ay u baahan tahay lacag adag oo dalkaasi soo gasha.

Dalka Sacuudiga oo ah kan ugu wax soo saar badan dhanka Batroolka ayaa isaguna shirka isaga baxay kadib markii IRAN ay diiday inay shirka timaado, arrintan oo fashil ku keentay shirkii Doxa oo ay indha ku hayeen ganacsatada batroolka.

Burburka shirkan OPEC ayaa saameyn ku yeelan doona suuqa Batroolka oo la filayo in qiimihiisa hoos usii dhaco.

Sacuudiga ayaa horey u diiday inuu hoos u dhigo Saliida uu suuqa kusoo fatahay, siyaasadaasi oo ay Boqortooyada Sacuudiga uga dan leedahay in lagu wiiqiyo dhaqaalaha IRAN kasoo geli kara suuqa saliida, maadaama qiimaha uu hoos si weyn ugu dhacay. Siyaasadan oo dhaawac weyn ku ah dalalka iyagu ku xisaabtama 80% Miisaaniyadooda ganacsiga iyo dakhliga kasoo gala Shidaalka sida wadamada Ruushka iyo IRAN.

Warmurtiyeed dhamaadka shirkaasi laga soo saaray ayaa afhayeenka OPEC uu ku sheegay in ay muuqato in wakhti dheeraad ah lasiiyey dalalkaasi si ay uga soo tashadaan arrintan taagan illaa bisha June ee soo socota.

Comments are closed