Egypt: 200 Dhalinyaro Soomaali tahriibayaal ah oo ku dhintay Badda

badaMasar (NN) 18/04/2016

Ugu yaraan 400 tahriibayaal ah oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku dhintay dooni ka baxday dalka Masar oo kusii jeeday wadanka Giriiga.

Doon-tahriib-geeri2016

Dhalinyarada Soomaalida ah ee doonidaasi saarnaa ee dhintay ayaa la qiyaasayaa inay gaareyso 200, waxaana la sheegay in doonida ay ku degtay meel u dhaw xeebaha dalka Giriiga iyadoo inta badan doonyaha ay adeegsadaan kooxaha wax tahriibaya ay yihiin kuwo aad u liita oo bada ku dhex burbura.

Geeri-sawirada-Facebook2016Waxaan weli lahayn xog lagu kalsoonaan karo oo la xariirta magacyada Soomaalida dhimatay oo dhameystiran, walow ay jiraan sawiro iyo magacyado lagu baahiyey baraha bulshada ku sheekaysato sida Facebook.

Waxaa dalka Masar kusoo badanaya dhaq dhaqaaqa tahriibta xili ay joogsatay inta badan dadkii tahriibta u tagi jiray dalka Liibiya oo ay dagaalo xoogleh ka socdaan.

Dowlada Masar ayaa bilihii lasoo dhaafay qabqabatay dhalinyaro badan oo tahriib ahaa, halka kuwo kalena meydkooda laga helay xeebaha dalkaasi markii ay la gadoomeen doonyo ay saarnayeen.

Xiliga kulaylaha oo ay bada degto ayey kooxaha Wax tahriibiya dar dar geliyaan hawlahooda, iyadoo laga cabsi qabo in dhalinyaro badan oo kale naftooda ku haligaan safarkaasi halista ah.

Dhalinyarada Soomaalida ee tahriibta u aadaya dalalka Yurub ayaa intooda badan kasoo cararay amni xumada dalka Soomaaliya iyo waliba shaqo la’aanta baahansan ee dalka ka jirta.

Comments are closed