Video Brazil: Baarlamaanka oo u codeeyey in maxkamad lasoo taago Madaxweynaha

barazilBrazil (NN) 18/04/2016

Aqalka Hoose (Kongareeska) ee dalka Brazil ayaa Axadii shalay cod ku ansixiyey mooshin xil ka qaadista iyo maxkamadeynta Madaxweynaha xilka heysa ee Mrs.Dilma Rousseff.

Brazil-Codeynta-Kongareeska

Mooshinka Madaxweynaha xilka looga qaadayo ayaa waxaa u codeeyey in ka badan 500 xildhibaan ee kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, xili mudaharaadyo ay ka socdeen banaanka xarunta Baarlamaanka oo ay isagu soo baxeen taageerayaasha Madaxweynaha iyo waliba mucaaridka.

Gudaha Xarunta Baarlamaanka ayaa sidoo kale ahayd mid kacsan iyadoo Xildhibaan walba lasiiyey 30-ilbiriqsi inuu hadal soo jeediyo kahor intuusan codka dhiiban, waxaana ugu danbeyn mucaaridka ku guuleystay inuu helo 342 cod Mooshinka u baahnaan in lagu ansixiyo.

Mooshinka ayaa hada loo gudbinayaa Aqalka Sare (Senate) oo isaguna haduu cod ku taageero si toos ah xilka looga qaadayo Madaxweyne Dilma Rousseff oo lagu eedeenayo inay musuq maasuqday miisaniyada dalkaasi xiligii ay ku jirtay tartankii doorashadii 2aad oo ay kusoo guuleysatay sanadkii 2014.

Hadii xilka laga qaado Mrs.Rousseff oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ayaa waxaa xilka la wareegi doona Madaxweyne Kuxigeenka oo lagu eedeenayo inuu kamid yahay kooxaha hoosta ka riixaya mooshinkan xil ka qaadista Madaxweynaha.

 

Comments are closed