Madaxweyne Cabdi DDSI oo Cambaareeyay Kooxdii Weerar ka ku Soo Qaaday Gambela

Jigjiga JIGJIGA  ( ESTV) 19/04/2016

 

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaaGardaro aan geed loogu soo gabanin kutilmaamay dagaalkii ay dablayda hubaysan ee South sudan kasoo duushay kuqaadeen dad masaakiin ah oo beeralay ah ee ay kudileen 200 oo ruux islamarkaana ku qafaasheen 100 ruux oo gambella ah.

Hadaba dagaalkan oo kadhacay goob dhinaca xadka ah maalintii jamcaha ahayd ee lasoo dhaafay ayuu madaxwaynuhu kutilmaamay arin sharci daro ah oo argagixisanimo oo aan marnaba loo dulqaadan karin isagoo sheegay in dadka ay dablaydu dishay iyo kuwa ay qafaasheen ay isugu jireen caruur, hooyooyin iyo dad da’ ahoo beerahoodii iska dhex joogay oo habayaraatee aan wax hub ah sidanin meesha uu deegaanka Gambellaha si nabadgelyo ah oo ixtiraam mudan ugu nool yihiin una martigaliyeen 284,000 oo qaxooti south sudan kasoo qaxay dagaaladii sokeeye ilaa 2013 oo ah dad masaakiin ah.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar  ayaana maadaama aysan dhibaatadani ahayn mid loo dulqaadan karo ugu mahadceliyay ciidamada difaaca qaranka talaabadii ay qaadeen ee gurmadkii deg-dega ahaa. Taas oo ay kudileen60 budhcadii dablayda south sudan kamid ah ee dhibaatada gaysatay. Madaxwaynaha ayaa intaa raaciyay, in lasii wado si aysan dib danbe ugu dhicin iyo in waliba lagalo sidii dib loogu soo celin lahaa dadkii ay dablaydu qafaalatay.

Comments are closed