Daawo-Egypt: Askari booliis ah oo hal qof u dilay Koob Shaah ah

masarMasar (NN) 20/04/2016

Mudaharaad rabshado wata ayaa ka dhacay caasimada Masar ee Qaahira Salaasadii shalay kadib markii askari booliis ah uu toogasho ku dilay nin shaah iibinayey.

Masar-Askari-Koob-Shaah
Askariga dilka geystay iyo ninka shaaha iibinayey ayaa la sheegay inuu dhexmaray muran la xariira koob shaah ah oo uu askariga cabay, taasi oo keentay in askariga toogto ninkaasi shacabka ah.

Arrintan ayey ka caroodeen shacabkii goobta ka ag dhawaa oo iyaguna weerar ku qaaday askariga dilka geystay iyo labo askari oo kale oo la socday. Shacabka ayaa ku guuleystay in askariga dilka geystay ku xiraan gaarigii uu watay, ilaa ay goobta kasoo gaareen ciidamo kale.

Sarkaalka dilka geystay ayaa la xiray, iyadoo dowlada ay sheegtay inay tilaabo adag ka qaadi doonto, si loo dajiyo shacabka sida weyn uga carooday dilkan.

Booliiska Masar ayaan xiriir wanaagsan la lahayn shacabka maadaama ay inta badan askartu ay dhibaatooyin badan u geystaan dadka rayidka ah iyagoo ku takri-falaya awoodooda.

 

Comments are closed