DaawoDoorashada USA: Hillary iyo Trump oo ku guuleystay gobalka New York

usaMareykanka (NN) 20/04/2016

Codbixinta horudhaca ah ee is-reeb-reebka murashaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha oo ka dhacday gobalka New York ayaa waxaa guulo waaweyn ka gaaray labada murashax ee kala hogaaminaya xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga.

Trump-Hillary-NewYork

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibada Maraykanka Mrs.Hillary Clinton ayaa ku guuleysatay dhinaca xisbiga dimuquraadiga iyadoo heshay 58% Cododka xisbiga Dimuquraadiga, halka murashaxa kula tartamaya xisbigaasi ee Bernie Sanders uu helay 42% cododka.

Hillary oo horey usoo noqotay Xildhibaan golaha Senateka ee laga soo doortay New York, ayey guushan muhiim u ahayd. Bernie Sanders oo weli sii wada ololihiisa ayaa rajeenayey inuu codod badan ka helo New York oo ah halkuu ku dhashay, balse rajada Xildhibaankan ayaan weli dhiman isagoo rajeenaya in gobalada kale ee dhawaan codbixinka ka dhici doonto uu ka helo codod siiya ergo ku filan kahor shirweynaha xisbiga Dimuquraadiga ee lagu dooran doono murashaxa rasmiga ah ee xisbigaasi.

Dhanka xisbiga Jamhuuriga waxaa guul weyn usoo hooyatay murashaxa hogaaminaya xisbigaasi ee Donald Trump oo ah maalqabeen xarumo badan kuleh gobalka New York isagoo helay 60% cododka, halka labada murashax ee kale John Kasich uu helay 25%, Senator Ted Cruz ayaa isagana helay wax ka yar 15% cododka.

 

Comments are closed