DANJIRE KEATING: Horumarka iyo Amniga Somalia wuxuu u baahan yahay Iskaashi Wadajir ah

danjireMuqdisho (NN) 20/04/2016 

 

Ergayga QM ee Arrimaha Somalia Micheal Keating oo Golaha Amaanka ee QM warbixin ka siinayay Xaaladda Somalia, ayaa soo Hadal-qaaday Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Xaaladaha Bani’aadanimo ee Xilligaan ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in Somalia ay ka jiraan caqabado badan iyo horumarro lagu tallaabsaday.

Danjire, Micheal Keating ayaa sheegay in Somalia uu ka jiro xilligaan horumar dhab ah, isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka Somalia, kuwa Maamul-goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka ay isku-waafaqeen nidaamka doorasho oo sannadkan ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale, Wakiilka QM ee Somalia ayaa ka hadlay dhismaha maamul-goboleedyada laga dhisayo Somalia, isagoo carrabka ku dhuftay in maamulka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe uu meel wanaagsan marayo, inkastoo uu xusay in dhawr jeer ay dib u dhacyo badan soo wajaheen.

“Waxaa ku baaqayaa in hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay si deg-deg ah loo dhaqan-geliyo si doorashada ay u dhacdo xiligii loo qorsheeyay. Waxaana soo dhaweynayaa niyad-samida ay muujiyeen Hoggaamiyeyaasha Soomaalida, waxaan kaloo taageerayaa qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee ahaa in aysan jirin wax muddo kororsi ah,” ayuu yiri Danjire Keating.

Ergayga, ayaa dhanka kale sheegay in doorashada sannadkan Somalia ka dhici doonta ay si weyn uga duwan tahay doorashadii dhacday Sanadkii 2012-kii, isagoo tusaale u soo qaatay in ergooyinka soo xulaya xildhibaanada baarlamaanka cusub ay ka badan tiro badan yihiin xubnihii hore ee soo xulay xildhibaannada baarlamaanka hadda shaqeynaya.

Mar uu Danjire Micheal Keating soo hadal-qaaday dib u eegista dastuurka ayuu sheegay in Hawshiisu ay marayso meel Wanaagsan, isla markaana – Nuqulladii ugu horreysay ee dib u eegista dastuurka Somalia lasoo bandhigay, si talooyin loogu darsado.

Dhanka kale, Arrimaha Ammaanka ayuu ka hadlay, isagoo soo qaatay Duullaan ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Bishii hore deegaanno ka  tirsan Puntland iyo Gal-mudug, isagoo sheegay in labadan maamul ay iska difaaceen kooxahaas soo duulay, ayna khasaare culus gaarsiiyeen.

 

Wakiilka QM ee Soomaaliya, ayaa Ammaanay Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay naftooda u hureen sidii Somalia ay nabad u noqon lahayd, isagoo dalbaday in ciidamadan is-kaashanaya Taageeradooda la xoojiyo si hawl-galladooda ay horay ugu sii wadaan.

“Nabad-galyo Somalia ka hir-gasha waxaa aasaas u ah Iskaashiga saddexda dhinac ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo QM,” ayuu yiri Danjire Keating – oo intaas ku daray. “Amniga iyo Horumarka Soomaaliya wuxuu ku Xiran yahay sida awood loogu yeesho in laga maarmo ku tiirsanaanta kaalmada dibadeed iyo in diirada la saaro ka hor-tagga dhibaatooyinka ay ka mid yihiin argagaxisonimada.”

Ugu dambeyn, Wakiilka QM ee Soomaaliya, ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay inuu is-faham siyaasadeed oo dhab ahi keeni karo maal-gashiyo Soomaaliya lagu sameysto, shaqo-abuur, ku Dhaqanka Sharciga iyo in la dhawro xuquuqda Aadanaha, lana helo Ciidammo u leh awood la-dagaallanka argagaxisada.

Si kastaba ha ahaatee, Danjire Micheal Keating – ayaa xusay in arrimahaas oo dhan ay Hir-galintooda ku xiran tahay Hadba siday u Wajahaan Madaxda Somalia, Hoggaamiyeyaasha Dhaqanka, Dalalka dariska ah iyo Beesha Caalamka.

 

Comments are closed