Ganacsatada Adhisababa Oo Deeq Raashin ah Gaadhsiisay Sitti

sitiSiti (ESTV) 20/04/2016

 

Ganacsatada dagan xarunta dalka ee adhisababa ayaa yidhi kama hadhayno caawinta shacabkanaga kutabaaloobay abaartii ay keentay isbadalka cimilada ee gaar ahaan saamaysay shacabka gobolka sitti iyagoo ugu deeqay 1 milyan oo birr. Taas oo ay ugu soo badaleen raashin kakooban bariis, bur, saliidiyo timir.

Hadaba wasiir kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI iyo xubno kamid ah maamulka gobolka oo ay weheliyaan ganacsatadii deegaanka ee adhisababa ayaa kaqaybiyey raashinkii qabaleeyada fadhato iyo xaariso.

Dhanka kalana, shacabka qabaleeyadaas ayaa bogaadiyay deeqda walaalahood oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dareenka iyo kadamqashada xukuumada iyo shacabka iyo waliba garab istaagooda joogtada ah.

Comments are closed