Siiriya: Diyaaradaha dowlada oo duqeeyey gobalka Idlib

suuriyaSuuriya (NN) 20/04/2016

Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Siiriya ayaa Salaasadii shalay duqeyn baaxadleh la beegsaday deegaanka ay mucaaridka gacanta ku hayaan ee gobalka Idlib.

Duqeyn-Idlib-Siiriya2016

Duqeyntan ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 44 qof, waxaana lagu soo beegay xili uu hakad galay shirkii wadahadalka ee ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Gobalka Idlib ayaa intiisa badan waxaa gacanta ku haya kooxda Jabhatul Nusra ee Al Qacidada Siiriya. Kooxdaasi ayaa Isniintii lasoo dhaafay weeraro xoogan ku qaaday gobalka Latakia ee waqooyi galbeed dalka Siiriya. Halkaasi oo ay ku yaalaan saldhiyada ay ku sugan yihiin ciidamada Ruushka.

Duqeynta shalay ka dhacday Idlib ayaa la rumeysan yahay inay jawaab u ahayd weerarkii Al Nusra ay isniintii ku qaaday gobalka Latakia ee xeebta saaran.

Wadahadalkii ka socda magaalada Geneva ee u dhaxeeyey dowlada Siiriya iyo Mucaaridka qunyar socodka ah ayaa hakaday kadib markii garabka mucaaridka ay ku eedeeyeen dowlada Siiriya inay in ka badan 1000 jeer jabisay shuruudihii lagu xiray xabad joojintii la dhex dhigay.

 

Comments are closed