Madaxweyne Abdi & Wasiirka Waxbarashada DFI Garoonka Jigjiga Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay

AbdiJIGJIGA 22/04/2016

 

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib markay usoo xidhmeen shirarkii kaladuwanaa ee todobaadyadanba uga socday xarunta dalka ee lagaga wada hadlayay xaaladaha guud ee horumarka dalka iyo higsiga sanadaha xiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga isagoo wakhti xaadirkan soo gaadhay xarunta.

Waxaana madaxwaynaha socdaalkan kuwehelinaya wafti balaadhan oo uu kamid yahay wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane Shiferaw Shugute maadaama oo shirka waxbarashada heer qaran oo ay kasoo qaybgalayaan dhamaan dawlada deegaanada dalka iyo ismaamuladuba lagu qabanayo xarunta deegaanka ee magaalada jigjjiga.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigan weheliya ayaa kusoo beegmay xili ay deegaanka kabilaabmeen roobabkii gugu oo dhulku wada cagaaran yahay islamarkaana aad ugu riyaaqay raxmada roobka. Wuxuuna madaxwaynuhu si wayn eebe uga mahadceliyay raxmada roobka ee sida balaadhan deegaanka uga curatay.

FB_IMG_1461345492731FB_IMG_1461345507632

Comments are closed