Puntland: Barnaamijka SDRF hayeesho hanaan Federaal

sdrfGaroowe (NN) 22/04/2016

Golaha Xukuumadda ee Puntland ayaa ka hadley shir dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo dib u eegis lagu sameeyey mid ka mid ah Barnaamijyada Cahdiga cusub (New Deal) ee la yiraahdo Hormarinta Soomaaliya iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha  (Somalia Development and Reconstruction Facility), waxaana Puntland sheegtey in loo baahan yahay in barnaamijkaasi noqdo mid lawada lee yahay oo lagu wada kalsoon yahay, Golaha Xukuumadda Puntland ayaa codsadey in qorshahaas loo diyaariyo hanaan federaal oo aan loo ekeysiin qaab Dowald Dhexe, waxaana xukuumadda Puntland codsatey in dib loogu celiyo maamulada dalka ka jira inta aan lagu hawl-gelin si loo wada ogaado.

Sidaas si la mid ah ayaa Puntland sheegtey in barnaamijka degmooyinka lagu hormariyo ee Qaramada Midoobey taageerto ee loo yaqaan JPLG, ay Puntland leedahay qorshe u gaar ah muddo dheerna u soo shaqeynaayey, Waxaana Golaha Xukuumadda ee Puntland sheegeen in aysan khuseyn qaybna ka noqoneyn qorshaha loogu magacdarey Wadajir ee dhawaan Muqdisho lagu sameeyey ee ku saabsan JPLG.

Ugu danbeyntii Golaha Xukuumadda Puntland, Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladda abaaraha ee Puntland ay sii adkaneyso, Abaarta ayaa saameysey dadka iyo duunyadaba, waxaana ay caalamka ka dalbadeen in gurmad deg-deg ah laga geysto xaaladda abaaraha ee Puntland.

Comments are closed