DAAWO Marwo Hibo “Warar lagu baahiyay Internet-yada waa been abuur” Xukuumadda DDSI Ayaan Taageersanahay

Hibo

London (ESTV) 24/04/2016

Marwo Hibo Cali Malaw oo maanta Warbaahinta DDSI lahadashay Ayaa beeneysay wararka lagu baahiyay ee ah in Hibo Cali Malaw Ay Ku biirtay Kooxda Nabad-diidka ah Warkaasi waxba ka jiraan oo ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in Taageerayaasha DDSI lagu jah-wareeriynayo.

 

“Warar lagu baahiyay Internet-yada ee ah in Hibo Ay Kamid Tahay Kooxda Nabad-diid  waa been abuur aan sal iyo raad lahayn,” ayey Tidhi Marwo Hibo oo intaas ku dartay. “Waa ku-tiri-ku-teen warkaas. Waana mid loogu talo-galay in Xukumadda DDSI iyo Qurbajoogta DDSI  lagu jah-wareeriyo.” Baraha Internet-ka qaarkood ayaa Shaleyto  lagu baahiyay in warar sheegaya in Hibo Ay kamid Tahay Taageerayaasha Kooxda Nabad-diidka ah.

 

Ugu dabmeyn, Marwo Hibo Cali Malaw sheegtay Wararkaasi uu yahay mid been abuur ah oo la doonayo in Taageerayaasha Xisbiga XDHSI Iyo Xukuumadda DDSI lagu marin-habaabinayo.

DAAWO MUQAAL VIDEO AH MARWO HIBO

 

 

 

Comments are closed