Shirwaynihii Qiimaynta waxbarashada dalka oo galay Maalintii 2aad jigjiga ka socda

DdsiJIGJIGA  ( ESTV) 24/04/2016

Waxaa maalintii labaad ka socda hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan shirwaynihii qiimaynta waxbarashada heer qaran ee waxqaadka  sagaalkii bilood ee ugu danbeeyay  waxaana qiimayntan  diirada lagu  saarayaa nidaamka fulineed ee  qorshihii  waxqabadka 9kii bilood ee u yaalay  xafiisyada waxbarashada deegaanada iyo wasaarada waxbarashada  dalka.

Shirkan qiimaynta ah oo uu hogaaminayo wasiirkawasaarada waxbarashada JDFI mudane Shiferaw Shiguteayaa waxa lagu soo bandhigayaa warbixinada waxqabadka xafiisyada deegaanada dalka iyada oo uu deegaan kastaaba soo jeedinayo waxqabadkii iyo guulihii uu ka soo hooyay qorshihii u yaalay xafiisyada deegaanada iyo wasaarada waxbarshada dalkeena itoobiya.

waxaana maanta ilaa shalay la dhagaystay warbixinada qaar ka mid xafiisyada waxbarashada deegaanada dalka taasi oo ay ka muuqatay guulaha laga soo hooyay fulinta qorshihii u yaalay xafiisyada waxbarashada deegaanada shirkan qiimaynta ah ayaa sii socon-doona ilaa maalinta barito ah.

Comments are closed