Bangaladhesh: kooxo markale labo qof ku dilay caasimada Dhaka

bangalideshBangaladhesh (NN) 26/04/2016

Kooxo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin xagjirka dalkaasi Bangaladhesh ayaa la sheegay inay shalay labo qof ku dileen magaalada caasimada ah ee Dhaka.

 

Mid kamid ah ragga la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa qoraa u shaqeeya Safaarada Maraykanka ee dalkaasi.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya weerar noocaan ah oo Sabtidii lasoo dhaafay lagu dilay professor rezaul karim siddique oo wax ka dhigi jiray Jaamacada Rajshahi, dilkaasi ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish ee dalkaasi Bangaladheesh.

Kooxda Daacish oo sanadkii hore sheegtay inay dhaq dhaqaaq ka bilowday gudaha dalka Bangaladheesh ayaa horey u sheegtay inay dili doonaan dad ay ku tilmaameen inay diinta Islaamka ka baxeen, waxayna kooxdaasi sheegatay dilal kala duwan oo ajaanib iyo muwaadiniin dalkaasi u dhashay loo geystay.

Comments are closed