Maalinta Malaariyada Dunida oo Soomaaliya Laga Xusay

malariyadaMuqdisho (NN) 26/04/2016

Ayadoo shalay ay ku beegneyd maalinta duumada ee caalamka ayaa qeybo badan oo Soomaaliya ah waxaa laga xusay dadaalada lagu dhimaayo cudurkaa ayadoo nidir lagu maray sidii loo dhimi lahaa.

UNICEF Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay gacan ka geysan doonto dadaalada lagula dagaalamayo cudurka duumada maalintii shalay ahayd. War murtiyeed ay soo saartay UNICEF ayaa sidaa lagu xusay kaasoo nuqul ka mid ah uu helay xafiiska wararka ee Hiiraan Online ee caasimada Nairobi Kenya.

Cudurka duumada ayaa faafitaankiisu is dhimay gudaha Soomaaliya sanadihii  2009 iyo 2014. Balse cudurka duumadu wuxuu aad ugu badan yahay bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Laga soo bilaabo sanadkii tagay ee 2015 ilaa hada ayaa waxaa la qeybiyay in kabadan 600,000 oo maro kaneeco caalamka oo idil. Wixii loo gaaro 2017 3 milyan oo maro kaneeco ayaa lagu wadaa in hayadaha samafalku gaarsiiyaan qeybo badan oo caalamka ah si cudurka duumada loo dhimo.

Sanadkii 2015 in kabadan 20,000 oo qof oo la xaqiijiyay inay qabeen cudurka duumada ayaa lagu daweeyay daawooyinka duumada gudaha dalka.

 

Comments are closed