Roobkii gu’ga oo habeenkii xalay ku hooray magaalada Qardho iyo nawaaxigeeda

qardhoQardho (NN) 26/04/2016

Iyada oo meelo kala duwan roobabkii gugu ka da’een habeenkii xalay, ayaa magaalada Qardho waxaa qabtey roob lagu diirsadey, kaas oo xoogiisu ahaa biyo qaad.

Magaalada labadeeda dhinacba waxaa saakey oo Salaasa ah waxaa jiifa xareeda, waxaana la maqlayaa dhawaaqa codka la waayey ee raha ee dhoobada ku abaadey, dadkuna waxay rabbi ka baryayaan in uu u siyaadiyo raxmadda.

Roobabka ayaa laga soo sheegaayaa meelo kala duwan oo ka mid ah miyida degmada Qardho.

Roobabkan ayaa imaanaya xilli dad iyo duunyoba loo ildarnaa raxmadda rabbi ee roobka, abaartuna maraysey heer aad u xun.

Sawirida: Yaxye Muumin

 

Comments are closed