Ciidamada Turkida ayaa duqeeyey goob 6km u jirta xaduuda gudaha wadanka Siiriya, halkaasi oo la sheegay in laga soo tuuray gantaaladii maalmihii lasoo dhaafay lagu duqeeyey Magaalada kilis ee koonfurta Turkiga.
Hal qof ayaa ku dhintay gantaalo Axadii lasoo dhaafay ku dhacay magaalada Kilis, duqeyntaasi oo la sheegay inay ka danbeysay kooxda Daacish. Waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay dad gaaraya 26 qof oo ay ku jiraan qaxooti ka yimid dalka Siiriya.
Comments are closed