Daawo Baarlamaanka Ciraaq oo ansixiyey Qeyb kamid ah Xukuumada Cusub kadib xiisadii 4.5

ciraaqCiraaq (NN) 27/04/2016

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyey qeyb kamid ah Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Raysalwasaare Xaydar Al Cabadi, kadib xiisad muddo dheer qaataday oo la xariirta nidaamka awood qeybsiga ee 4.5 ee dalkaasi Ciraaq.

 

Raysalwasaaraha ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa culeys weyn saaray taageerayaasha hogaamiyaha shiicada ah ee Muqtadar Al Sadar oo banaanbaxyo joogto ah ka waday caasimada Baqdaad nawaaxiga xarumaha dowlada, iyagoo codsanaya isbedal lagu sameeyo xukuumada iyo in la joojiyo musuq maasuqa dowlada dhexdeeda ah.

Mudaharaad-Ciraaq2

Xaydar Al Cabadi ayaa soo jeediyey inuu hoos u dhigi doono tirada Wasiirada, isla markaana uu soo magacaabi doono 16 Wasiir oo kaliya, halka ay horey u jireen 21 Wasaaradood. Wuxuu sidoo kale sheegay in Wasiirada uu soo magacaabayo ay noqon doonaan dad lagu soo xulay aqoontooda.

Arrintan ayaa waxaa kasoo horjeestay isbaheysiyada Siyaasadeed ee ka jira Baarlamaanka Ciraaq oo ku dhisan nidaamka 4.5 ee Shiicada, Sunnida, Kurdida, Kirishtaanka iyo Dadyowga kale ee dalkaasi Ciraaq ku dhaqan, kuwaasi oo dhamaantood diiday inay ka tanaasulaan xubnihii ay ku lahaayeen golaha Wasiirada iyo awood qeybsigii hore.

Mudaharaad-Ciraaq3

Xiisadan ayaa buuq iyo gacan ka hadal ka dhex dhalisay Golaha Shacabka ee dalka Ciraaq iyadoo qeyb kamid ah Xildhibaanada ay sheegeen inay awoodii ka xayuubiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kadib dadaal dheer ayaa lagu guuleystay in hada la ansixiyo 6 kamid ah Wasiirada cusub oo ay ku jiraan; Wasiirka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Biyaha, Wasiirka Tamarta, Wasiirka Hidaha & dhaqanka iyo Wasiirka Tacliinta Sare.

Raysalwasaaraha ayaa illaa iyo Khamiista beri ah loo qabtay inuu soo gudbiyo magacyada kale ee Wasiirada gaar ahaan wasiirada muhiimka ah oo uu murranka ka taagan yahay sida, Arrimaha dibada, Gudaha, Maaliyada, Difaaca iyo Amniga.

Comments are closed