Daawo Sudaanta Koonfureed: Riek Machar oo markale loo dhaariyey Madaxweyne Kuxigeen

sudanWaqooyiga-sudan (NN) 27/04/2016

Hogaamiyihii Mucaaridka dalka Sudaanta Koonfureed Riek Machar ayaa loo dhaariyey Madaxweyne kuxigeen kadib markii uu salaasadii shalay dib ugu noqday caasimada dalkaasi ee Juba.

 

Riek Machar ayaa horey usoo noqday Madaxweyne kuxigeen balse waxaa dagaal ka dhex qarxay ciidamadiisa iyo kuwa daacada u ah Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir bishii December 2013. Xiisadaasi oo u dhaxeysa beelaha ay kasoo kala jeedaan labada hogaamiye iyo awood qeybsiga dowladaasi.

Dagaalka Sudaanta koonfureed oo socday muddo labo sano ah ayaa waxaa ku dhintay kumanaan dad ah, waxaana ku baro kacay dad gaaraya 2.3 Milyan, iyadoo ay weli xeryaha barokacayaasha ku jiraan in ka badan 200.000 qof.

Bishii Agoosto ee sanadkii tagay ayey magaalada Addis Ababa heshiis awood qeybsi ah ku saxiixdeen labada dhinac kadib markii cadaadis xoogan uga yimid Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika oo ugu hanjabay hogaamiyayaashaasi in xayiraad la saari doono.

Dhaarinta Riek Machar ayaa horudhac u ah dhismaha dowlada Midnimo Qaran.

RiekMachar1

“…Dad badan baa dagaalada nooga dhintay, waxayna dagaaladu ahayeen kuwo aad u fool xun oo waxashnimo ah, xiligan waxaa loo baahan yahay sidii aan uga shaqeyn lahayn dib u heshiisiin iyo sidii loo boogo-dhayi lahaa dhaawacyada nasoo gaaray Qaran ahaan…” ayuu yiri Riek Machar oo khudbad kasoo jeediyey munaasabada xilka loogu dhaariyey.

 

Comments are closed