Papua New Guinea oo xireysa xerada qaxootiga ee Australia ka dhistay dhulkeeda

asutraliaAsutralia (NN) 27/04/2016

Maxkamada Sare ee dalka Papua New Guinea ayaa sheegtay inay sharci daro tahay Xerada Qaxootiga ee dowlada Australia ka dhistay jasiirada Nauru ee ka tirsan dalkaasi Papua New Guinea.

 

Dowladaha Papua New Guinea iyo Australia ayaa horey heshiis hoose u wada galay in qaxootiga laga soo celiyo Australia lagu xiro xerada lagu magacaabo Manus ayaa lagu hayaa dadka qaxootiga ah ee la qabto iyagoo doonaya inay doonyo ku galaan dalkaasi Australia, xukuumadaasi ayaa sheegtay in dadkaasi aysan xaq ullahay in la keeno Australia.

Xaruntaasi Qaxootiga lagu hayo ee Manus ayaa waxaa la sheegaa in gabood falo iyo falal kufsi ah lagula kacay qaxootiga ku jira, waxaana kamid ahayd gabar Soomaali ah dadkii kufsiga loogu geystay xeradaasi. Arrintaasi oo xiisad horey uga dhalisay dalkaasi Australia.

Wiil 23 sano jir ah oo ka yimid dalka Iran oo kamid ahaa qaxootiga lagu hayo xeradaasi ayaa la sheegay inuu maanta is gubay, waxaana soo gaaray dhaawacyo culus.

Qaramada Midoobay ayaa horey ugu cambaareysay dowlada Australia dhismaha xeradaasi oo lagu tilmaamay mid ka horimaaneysa sharuucda caalamiga ah, doodan oo muddo sanado ah soo jiitameysay ayey Maxkamada Australia maanta go’aamisay in la xiro xaruntaasi.

Dowlada Australia ayaa saaka oo Arbaca ah sheegtay inay weli ku adkeysaneyso in qaxootiga lagu hayo xerada Manus aan la keeni doonin gudaha Australia oo aysan xaquuq ullahayn sida uu sheegay Wasiirka Socdaalka Peter Dutton.

Comments are closed