SOMALILAND: Laba Gaari oo iskula dhacay Duleedka Hargeysa oo Shan qof ay ku Geeriyoodeen

hargeysaHargeysa (NN) 27/04/2016

Illaa shan ruux ayaa ku Geeriyooday, Hal qofna wuu ku dhaawacmay, shil gaadhi oo ka dhacay duleedka bari ee magaaladda Hargeysa, halkaasi oo laba gaadhi oo nooca booyadaha loo yaqaan ay isku dhaceen.

Labaddan gaadhi ayaa la sheegay inay xawaare sare ku socdeen, isla markaana iska hor yimaadeen taasina ay keentay inuu khasaaruhu kordhi, ka dib markii ay isku burbureen labadda baabuur.

Ciidanka nabadgalyadda wadooyinka ayaa baadhaya sababta keentay shilkan, inkastoo aanu wali war ka soo saarin.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tacsi u direy dadkan ku geeriyooday shilkan naxdinta leh ee ka dhacay duleedka bari ee magaaladda Hargeysa.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isagoo ka tacsiyadaynaya dadkii ku geeriyooday shilka naxdinta leh ee ka dhacay Kantratoolka bari ee Hargeysa maanta 27/04/2016, shilkaas oo ay ku naf-waayeen 5 qof. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu u naxariisto jannadana geeyo qoysaskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.”ayuu qoraal nagu soo gaadhsiiyey afhayeenka madaxweynaha C/raxman Sh Cilmi Fahiye (Shamax).

Shilalka baabuurta ayaa ku soo badanaya guud ahaan goboladda Somaliland, waxaana inta badan lagu dhaliila Dirawaliinta oo aan masuuliyad iska saarin rakaabka ay sidaan iyo xawaaraha gaadiidka lagu waddo oo ah mid sare.

 

Comments are closed