Talibanka oo beeniyey inay wadahadal la galayaan dowlada Afghanistan

talibanTaliban (NN) 27/04/2016

Dhaq dhaqaaqa Talibanka ee ka dagaalamaya dalka Afghanistan ayaa sheegay inaysan qeyb ka ahayn shirka lagu wado inuu ka furmo magaalada Islamabada ee dalka Pakistan oo u dhaxeeya dowlada Kabul iyo Mid kamid ah garabyada Talibanka.

 

Wafdi ka yimid dalka Qatar oo matalaya Talibanka ayaa gaaray magaalada Islamabad ee Pakistaan, halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen wafdi ka socda Xukuumada Afghanistan. Waxaana la wadaa dadaal dib loog soo nooleenayo wadahadal muddo soo jiitamayey oo u dhaxeeyey Talibanka iyo dowlada.

Balse Talibanka ka dagaalamaya Gudaha Afghanistan ayaa sheegay in shirkaasi aysan ka qeyb geli doonin, isla markaana ayba hada bilaabeen duulaankooda bilowga sanadka iyagoo sheegay inuu guulo waaweyn ka gaareen dhanka dowlada.

Talibanka ayaa labo garab u kala jabay kadib markii ay soo shaac baxday in Hogaamiyihii kooxdaasi Mullah Cumar uu dhintay dhowr sano kahor, arrintaasi oo keentay in qeyb kamid ah Talibanka ay sameysato maamul u gaar ah kuwaasi oo sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka, halka hogaankii hore ee Talibanka oo iyagu wadahadalka diyaarka u ahaa ay sheegeen inay iyagu matalaan kooxdaasi.

Comments are closed