Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta Tagay Jigjiga Siweyn laguna soo Dhaweeyay

DDSI

Jigjiga (ESTV) 28/04/2016

Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland Ax’ed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo gaaray magaalada Jigjiga xaruunta Maamulka DDSI ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana garoonka uga hortagay xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Mudane C/xakiin Cigaal Iyo Wasiirka Ganacsiga DDSI Mudane Khadar Abdi iyo wasiir kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane C/khaliif Buraale (dhoombe).

 

20160428_145210

Booqashada Axmed Madoobe uu maanta ku tagay Jigjiga ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii uu kulammo ula yeelan lahaa mas’uuliyiinta maamulka DDSI; iyadoo markii uu tagay Magaalada Jigjiga isla markiiba kulan irduhu u xiran yihiin la galay madaxewynaha DDSI.

 

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Axmed Madoobe iyo Cabdi maxamuud ay kulankooda kaga hadlayaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; ammaanka, xiriirka labada maamul u dhexeey iyo Ganacsiga isku Xidhka Socdaalka Hawada iyo la Dagaalanka Argagixisada iskaashiga dhanka Waxbarashada. Inkatsoo aan la ogeyn inta maalmood ee uu Axmed Madoobe joogayo Jigjiga, iyadoo ay tani noqonaysaa booqashadii ugu horreeyay oo uu ku tago Jigjiga tan & markii la dhisay maamulka Jubbaland.

 

20160428_145149

Wixii Warar ah ee kasoo kordha booqashada Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ay maanta ku tageen magaalada Jigjiga waxaad kula socon kartaan wararka soo so socda ee NogobNews haddii ALLE ogolaado.

 

Comments are closed