Madaxweynaha Jubbaland Wafdigiisa oo Ay Booqasho ku Gaadhay Biyo-xidheenka Tuulada Waaji Jigjiga ka Tirsan

Madaxweynaha Jubbaland Wafdigiisa oo Ay Booqasho ku Gaadhay  Biyo-xidheenka Tuulada Waaji Jigjiga ka Tirsan

WAAJI  (ESTV) 29/04/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan madaxwaynaha jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan iyo waftiguu hogaaminayay ayaa saaka booqasho indha-indhayn iyo khibrad wadaag isugu jirtay kugaadhay biyo-xidheenka qabalaha Waaji ee degmada koonfurta jigjiga ee dhawaantan xadhiga laga jaray oo buux dhaafsamay.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaana sheegay in biyo-xidheenkani kamid yahay 174 biyo-xidheen oo heer deegaan iyo heer degmo laga dhisay sanadkan oo intooda badan biyo galeen isagoo ilaahay uga mahadceliyay hirgalinta qorshaha guud ee xukuumada.

FB_IMG_1461946066609

 

 

Dhanka kale, madaxwaynaha dawlad goboleedka jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan oo kahadlay qorshahan ayaa aad ugu hambalyeeyay xukuumada DDSI,XDSHSI iyo hogaaminta deegaanka heerarkooda kaladuwan oo ugu horeeyo madaxwayne CMC isagoo xusay in arintan ay kaqaateen khibrad wayn oo aysan horay ugu lahayn dhanka biyo-xidheenada maadaama uu deegaankoodu leeyahay togog iyo wabiyo kudara badda oo ay badduna dhanaan tahay. Wuxuuna intaa kudaray in biyo-xidheeno ay kasamaysan doonaan togoga iyo wabiyada kahor intaysan badda kudarin oo dhanka waraabka beeraha ay uga faaiidaysan doonaan.

Sidoo kale, Waftiga ayaa aad ugu bogay biyaha intaa le’eg ee laqabtay iyo tabta cilmiyaysan ee loo qabtay iyo waliba fikiradii iyo kartidii xalaasha ahayd ee kadanbaysay qorshahan.

Ugudanbayna, waftiga ayaa duhurnimadii soo hadh-galay guryaha martida ee qaryaan dhoodaan iyadoo uu roobab badani kadayaan xarunta deegaanka ee jigjiga iyo nawaaxigeeda.

Comments are closed