MAREYKANKA: Dadweyne Taageersan iyo kuwo Mucaaradsan Trump oo isku Dagaalay California

2016429635975128036007222Taageerayaasha_iyo_Mucaaradka_Donald_Trump_660Mareykanka (NN) 29/04/2016

Taageerayaasha iyo Mucaaradka Musharraxa Jamhuuriga ee Mareykanka Donald Trump ayaa isku dhacay, xilli uu khudbad ka jeedinayay Koonfurta Gobolka California ee dalka Mareykanka, iyadoo booliisku ay xireen dhawr qof.

Ciidanka booliiska gobolka California ayaa kala dhex-galay taageerayaasha & Mucaaradka Donald Trump, iyadoo Shacab careysan ay Burburiyeen muraayadaha Gaadiidkii Booliisku ay wateen qaarkood.

Sidoo kale, Waxaa Rabshadaha ku dhaawacmay dhawr qof, inkastoo booliisku ay dib u soo celiyeen daganaashaha deegaankan ay rabshaduhu ka dhaceen. Iyadoo Rabshaddaani ay ka mid noqonayaan ay ka mid noqonayso rabshado sidan oo kale ah oo dhawr jeer dhacay.

Donald Turmp, ayaa shalay Weerar afka ah ku qaaday murashaxada xisbiga Dimuqraadiga ee Waddanka Mareykanka, Hillary Clinton – isagoo sheegay inaysan wax fursad ah haysan, marka laga reebo inay doonayso inay noqoto Haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Mareykanka.

“Haddii Hillary Clinton aysan ahaan lahayn Haweeney, ma aysan haysan lahayn fursad ay ku qabato xilka gole deegaan,” ayuu yiri Donald Trump oo la hadlayay Telefishinka ABC.

Dhinaca kale, Cod-bixinta Tijaabada ah ee la Ururiyay, ayaa Muujineysa in Hillary Clinton ay ka hoosayso sagaal dhibcood murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donland Trump, haddii ay Labadoodu Noqdaan Murashaxiinta ku tartami doona Doorashada Guud ee ka dhici doonta dalka Mareykanka horraanta bisha November ee sannadkaan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Trump ayaa cambaareeya siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe, isagoo xusay in Mareykanka uu haatan noqday waddan aanu caalamka intiisa kale ka haybaysan.

Comments are closed