DAAWO SAWIRRO: Xaflad casho-sharaf ah oo Cawa Magaalada Jigjiga loogu sameeyay wufuud Galmudug & Jubbaland

FB_IMG_1462041246081

Jigjiga  (ESTV) 30/04/2016

Wafdiyo ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Jubbaland Ax’ed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). oo dhawaan soo gaareen Caasimada Dowladda deegaanka Somalida itoobiya Ee Magaalada Jigjiga, ayaa Caawa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xafladda oo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen:- Madaxweynaha Dowladda deegaanka Somalida itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Golaha Wasiiro xukuumadda DDSI iyo Odayaasha, Xildhibaano ka tirsan Baaralamaanka DDSI, Aqoonyahano, Nabadoono iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa hadaladii laga jeediyay waxey u badnaayeen soo dhaweyn iyo Talo-siin.

Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar oo hadal ka jeediyay xafladdaas ayaa sheegay in maamulkiisa ay sharaf weyn u tahay inuu markii ugu horreysa in horumar ballaaran uu deegaanku ku tallaabsaday dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, isagoo xusay in magaalada Jigjiga uu ka muuqdo horumar dhinacyada dhismaha iyo ammaanka ah,

Wixii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Xaflada Casho-SharaftaWaxaad Kala Socon Kartaan Wararka Soo So Socda Ee NogobNews Haddii ALLE Ogolaado

FB_IMG_1462041240052FB_IMG_1462041230157FB_IMG_1462041982781FB_IMG_1462042038150FB_IMG_1462043039871

Comments are closed