Daawo Raysalwasaaraha oo baarlamaanka ka codsadey meel-marinta hanaanka doorashada

rwMuqdisho (NN) 01/05/2016

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta u gudbiyey Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Hannaanka guud ee Geeddi Socodka Doorashada 2016.

Raysul Wasaare Cumar oo Khudbad ka jeediyey kulanka Baarlamaanka ayaa sharaxaad ka bixiyey Hannaankan doorasho ee ay Xukuumaddu soo gudbisay, waxaana uu sheegay in hanaankani wadatashi guud ay ka sameeyeen Dawladda Soomaaliya iyo Maamullada dalka, isagoo ka codsaday Golaha Shacabka in ay ansixiyaan Hannaankan si ay u qabsoonto doorashadu waqtigii loogu talagalay.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka, iyaga oo eegaya duruufaha ka jira dalka, waqtiga oo gabaabsi ah iyo howsha baaxadda leh ee dhiman in aad ansixisaan Hanaanka doorasho ee lagu keenay wada xaajood Siyaasadeed oo ku saleysnaa go’an wadar ogol ah oo ay qaateen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah”.ayuu yiri Raysal-Wasaare Cumar.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka codsaday golaha shacabka inay soo akhriyaan qorshahan, maalinta Isniinta ah ee soo socotana la sii ambaqaadi doono go’aanka ka gaarista qorshaha guud ee Hannaanka Doorasho.

 

Comments are closed