DDSI iyo Galmudug oo Heshiis ku kala saxiixday Magaalada Jigjiga

guuleedJigjiga (ESTV) 01/05/2016

Heshiiskii kusaabsanaa dhanka xuduuda ee labada wadan ee Jamhuuriyada Dimoqraadiga Federalka Itoobiya  iyo dawlada fadaralka ah ee soomaaliya ayaa meel fiican maraya iyadoo wadahaladii labada dawladood kadib ay maanta kulan yeesheen madaxda dawlad deegaanada labada dhinac ee khaasatan xuduuda wadaaga madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Hdaba, Heshiiskan oo ay goob-joog ka ahaayeen marti sharaftii dawlada soomaaliya kasocotay ee deegaanka booqashada kuyimid oo uu ugu horeeyo wasiirka boostada iyo isgaadhsiinta dawlada soomaaliya mudane Maxamed Jaamac Mursal, madaxwaynaha dawlad goboleedka jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan iyo hogaaminta dhinaca amniga ee deegaanka oo uu ugu horeeyo wasiirka nabadgelyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Yaasiin Cabdi Waris iyo mas’uuliyiin kale ayaa guul midho dhal ah maraya iyadoo lafilayo inuu soo gabagaboobo maalinta bari ah ee inagu soo aadan.

Wixii kasoo baxana dib ayaan idiinka soo tabin doonaa

Comments are closed