Kooxda Man United oo Maanta Hakisay Rajadii kooxda Leicester ee Premier League-ga

201651635977035642168908Man_United_L_City_Barbarro (11)

London (NN) 01/05/2016

Kooxda Man United ayaa ka Hor-is-taagtay Leicester City oo ay Maanta kuwada cayaareen Garoonka Kooxda Man Uniterd ee Old Traffrod, iyadoo tani ay meesha ka saartay Rajadii kooxda Leicester City ee ahayd in maanta si rasmi ah loo guddoonsiiyo koobka Horyaalka Kubadda Cagta Waddanka Britain ee Premier League-ga.

Leicester City, ayaa u baahnayd saddex dhibcood si ay u xaqiijiyaan in koobka Horyaalka ay iyagu ku guuleysteen, laakiinse kooxda Man United ayaa hor-joogsatay, kaddib markii ay galeen barbarro 1-1 ah.

Daqiiqaddii siddeeaad ee qaybtii hore ee cayaarta ayay kooxda Man United waxaa u suuro-gashay inay dhaliso gool, kaasoo uu u dhaliyay laacibkooda Anthony Martial; iyadoo Man  United ay muddo daqiiqado ah hoggaanka u haystay cayaarta.

Balse, Kooxda Leicester City ayaa waxay daqiiqadii 17-aad ee qaybtii hore cayaarta waxaa u suuro-gashay inay dhaliso gool, kaasoo cayaarta ka dhigay bar-barro 1-1 ah, taas oo hoos u dhigtay xamaasadii taageerayaasha Man United ay la damaashaadayeen; waxaana goolka madaxa ku dhaliyay kabtankooda Wes Morgan.

Cayaarta ayaa noqotay mid xiiso badan, iyadoo labada kooxoodba ay la yimaadeen fursado gool u muuqday, inkastoo kooxda Man United ay ahayd kooxda inta badan lugta ku haysay kubadda, Laakiinse kooxda Leicester City ayaa dhankeeda muujinaysay cayaar wanaag iyo weerar adag.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa waxay kusoo dhammaatay barbarro 1-1 ah, iyadoo markii ay labadaan kooxood isugu soo laabteen Qaybtii labaad ee Cayaarta waxay la soo shir-tageen cayaar wanaag, iyadoo kooxda walba ay isku dayday inay dhaliso goolka goosha, inkastoo aysan jirin koox ay u suuro-gashay inay gool dhaliso.

Sidoo kale, Kooxda Leicester ayaa waxay lasoo baxday cayaar aad u wanaagsan, iyadoo u dhawaatay dhawr jeer oo isku xigta in ay gool dhaliso, laakiin difaaca kooxda Man United ayaa ka hor-tagay isku-dayada Leicester City ay ku doonaysay in ay ku dhaliso Goolkeeda guusha.

Daqiiqaddii 86-aad, ayaa waxaa Kaarka Cas ama Guduudan loo taagay cayaaryahan Danny Drinkwater oo ka tirsan Leicester, kaddib markii uu khalad ku galay Cayaaryahanka – Man United ee Memphis Depay, kaasoo uu si ula kac ah u qabtay, iyadoo Garsooruhu uu is deg-deg ah ugu taagay, waxaana kaarkaas uu dhaawacday kooxda Leicester iyadoo Man United billowday inay gool raadiso, laakiinse uma suuro-gelin inay dhaliyaan guulkoodii guusha.

Ugu dambeyntii, Inkastoo cayaartii xiisaha badbayd ee dhex-martay Kooxaha  Man United iyo Leicester City ay kusoo dhammaatay barbarro 1-1 ah, ayaa dhanka kale waxaa kooxda Leicester City ay haysataa fursad kale oo ah in mar kale Horyaalka Premier League-ga loo caleemo-saaro, laakiinse waa haddii kooxda Chelsea ay ka badiso kooxda Tottenham oo ay Berri dhex-mari doonto cayaar adag.

Comments are closed