Maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha Dunida 01 May oo laga xusay Meelo badan oo caalamka ah

shaqaalahaMuqdisho (NN) 01/05/2016

Sannad kasta marka la gaaro 01-da bisha May, Waxaa laga xusaa Caalamka oo dhan Maalinta Caalamiga ee shaqaalaha, waxay ururada shaqaalaha iyo xaqlayaasha oo ah dadka bixiya fursadaha shaqo ay sameeyaan munaasabado looga hadlay shaqaalaha iyo sida ay laf dhabar ugu yihiin hab-sami u socodka shaqada.

Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Shaqaalaha Caalamiga ah, ayaa maanta lagu Qabtay magaaladda Muqdisho waxaa munaasabadda soo qaban qaabisay wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshadda .

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa ugu qeb galay Magaalada Muqdisho Munaasabada 01-da May oo ah, Maalinta Shaqaalaha Adduunka, Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiintii ka Qayb-galay ayaa soo jeediyay Hadallo lagu dhiiri-gelinayo shaqaalaha soomaaliyeed waxa ayna sheegeen in xoog badan la galin doono sidii ay Shaqaalaha Soomaaliyeed ku heli lahaayeen sharci dhowra xaquuqdooda.

Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamadda muwaadiniintooda boqolkiiba 60 % illaa 70% lagu qiyaaso inay shaqo la’aan yihiin waxaa taas tusaale u ah dadka aanan tirada yarayn ee Sannad kasta ka Qalin-jabiya Jaamacadaha haddana aanan heysan wax Shaqo ah inkastoo ay jiraan shaqooyin ay bixiyaan hey’adaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay kuwa gaarka loo leeyahay, balse waxaa fursadaasi helo dad yar.

 

Comments are closed