Muqdisho (NN) 01/05/2016

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud  Ing Saalax Shiikh Cismaan ayaa ugu horayn warbixin ka siiyey Madaxwaynaha  heerarkii uu soo maray Dayactirka Wasaarada waxa uuna hoosta ka Xariiqay in Dhismaha Wasaaradda ay Qayb ka qaaateen Ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqsiyaad kaloo muhiim ah oo uu ka xusay marwada madaxwaynaha, Wuxuuna Carrabka ku dhuftay inaysan illaawi doonin kaalintii ay dayac-tirka wasaarada ka qaateen maamulka  Gobolk Banaadir, Dowladda Turkiga iyo Hayadda SSG.Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha Somalia wuxuu sheegay inay Dowladdu ku qasban tahay inay shaqo u abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax-bartay, iyadoo Wasiirka shaqada & Arrimaha bulshada ka codsaday inuu furo sanduuq lagu daryeelo naafada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu yahay shaqsiga 1-aad ee billaabaya.
Comments are closed