Roobabka Mahiigaanka ah oo Sidoo Kale Saameeyay Nolosha Dadka Gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari ee Kenya

gaarisaGaarisa (NN) 01/05/2016

Roobab mahiigaan ah yaa dhawaan ka daa’aaya Nairobi iyo qeybo badan oo Kenya ah. Roobka ayaa la sheegay inuu saamayn ku yeeshay nolosha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka gobolka Soomaalidu dagto ee Waqooyi-bari Kenya.

Waxaa lagu soo waramayaa in gawaari badan oo xamuul usiday magaalada Mandera ay ku xanniban yihiin meel u dhow magaalada Madogashe oo u dhow Garisa.  Daad ayaa la sheegay inay la socon la’yihiin gawaaridaa oo sidoo kale ay kujiraan basas rakaab ay saaran yihiin.

Mid ka mid ah gawaarida ayaa la sheegay in buundo Madogashe u dhow ay la go’day dabadeedna uu tog biyo wada ku dhacay. Qaar ka mid ah dadka kunool Madogashe ayaa la sheegay inay usoo gurmadeen oo dhowr qof ay ka badbaadiyeen dhibaatadaa.

Gawaari badan oo jidad kale mari jiray sida jidka 5ta Abaq ayaa usoo leexday waddadaa marta Madogashe kadib markii roobabka oo aad usaameeyay jidadkii kale dartood ay door bideen wadadaa Madogashe.

Gawaari badan oo dad iyo xamuul usida Mandera, Wajeer iyo Moyale ayaa haatan ku xanniban meel u dhow Madogashe.

Badi jidadka gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaan ahayn laami sidaa daraadeedna xirma markastoo roobab noocaan ah oo mahiigaan ah ay hooraan.

Comments are closed