Wejiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso oo la daah-furayo maalinta Isniinta

garooweGaroowe (NN) 01/05/2016

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku qaabilay qasriga Madaxtooyada ee magaalada Bosaso  wefuud balaaran oo ka kala socday dawladda Talyaaniga, dawladda Federaalka Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD.

 

Wefdiga waxaa ka mid ahaa Xoghayaha guud ee Ururka IGAD Eng. Maxbuub Macalin, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey,  Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Fabrizio Marcelli, dhanka Dowaldda Federaalka waxaa ka socdey Wasiirka Gaadiidka iyo duulimaadka Cali Jaamac jengeli.

Wufuudan ayaa u yimid in ay goobjoog noqdaan kana qayb-qaataan furitaanka wejiga labaad ee dhamaytirka garoonka diyaaradaha Bosaso.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso oo ay intiisa badan ku deeqdey Dowladda Talyaaniga ayaa hadda saxiixdey in ay wejiga labaad ee dhamaytirka Garoonka qaadetey uguna deeqday dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in waftigu ay u yimaadeen ka qayb galka daah-furka dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka caalamiga ee Bosaso oo maalinta berri ah lagu qaban doono isla garoonkaasi munaasabad ballaaran oo lagu daah-furi doono mashruucaasi.

 

Inkasta oo garoonka diyaaradaha ee Bosaso la furey bishii Janaayo ayaa haddana weli waxaa taagan caqabadaha dhanka duulimaadka, garoonkuna ma helin diyaarado caalami ah ama duulimaadyo toos ah gaar ahaan dalalka sida weyn loogu xiran yahay eeKhaliijka Carabta.

Comments are closed