YEMEN: Wadahadallo Nabadeed oo u billowday Kooxaha isku haya Awoodda Xukunka Dalka

201651635976677216034590Colaadda_Dalka_Yemen_Heshiis

YEMEN (NN) 01/05/2016

Garabyada ku dagaallamaya dalka Yemen ayaa yeeshay wada-hadaladoodii ugu horreeyay, iyagoo si toos ah isku soo hor-fariisanaya si ay uga xaajoodaan colaadaha u dhexeeya.

Wadahadalladan ayaa ujeekooda lagu sheegay sidii loosoo af-jari lahaa colaada 13-ka bilood ka socota dalka Yemen, taasoo galaafatay nolosha dad badan, kuwo kalena ka barakicisay guryahoodii.

Ergyaga Qaramada Midoobay ee Yemen, Ismail Ould Cheik Ahmed ayaa kulankaasi ku tilmaamay billow dhiirri-galin u ah nabadeynta dalka Yemen. Balse wuxuu sheegay inay weli taagan yihiin caqabado horay u hortaagnaa Wada-halladan oo dhawr jeer dib loo dhigay.

Yemen ayaa waxaa isku haya isbahaysi uu Sacuudiga Hoggaaminayo iyo Xuutiyiinta ah, kuwaasoo inta badan dalkaas gacanta ku dhigay sanadkii lasoo dhaafay, inkastoo dib looga qabsaday magaalooyin ay ka mid tahay Cadan.

Sidoo kale, Waxaa la rumeysan yahay in colaadda Yemen ka socotay sannadka ka badan inay ku dhinteen boqolaal qof, kuwaasoo isugu jira shacab iyo ciidan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, kuwo kalena ay ku barakaceen.

Ugu dambeyn, Yemen oo Xudun u ahayd wada-noolaashada Shiicada iyo Sunniga; ayaa waxay u muuqataa haatan inay awoodda xukun ee dalkaas ay isku haystaan labada dhinac, taasoo dalkaas u horseedi karta colaado daba-dheeraada.

Comments are closed