Daawo Hoggaanka Muslimiinta Minnesota oo dalbaday in la baaro eedeyn ka timid Sarkaal Mareykan ah

m3Minnesota (NN) 03/05/2016

Shir jaraa’id oo ay qabteen hoggaamiyaasha Muslimiinta Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa dalbaday in baaritaan madax-bannaan si dhaqso ah loogu sameeyo eedayn ka timid sarkaal ka tirsan ciidamada aamniga garoonka oo lagu magacaabo, Andrew Rhodes oo u sheegay Wargeyska New York Times, oo magaciisu yahay David McMahon uu ku yiri. “Inuu soo gudbiyo magacyada hoggaamiyaasha Jaaliyadda Minnesota ee booqanaya xafiiskooda, si looga baaro inay ku jiraan keydka macluumaadka dadka wax ku leh kooxaha Argagaxiso.”

 

Sarkaalkan Andrew Rhodes ayaa arrintaan ka shifay oo la wadaagay Mujtamaca. Dhanka kale waaxda amaanka garoonka (TSA), ayaa sheegay inay dib-u-eegayaan eedayntan, ayna qaadi doonaan tallaabooyin ku habboon.

Shirkan jaraa’id ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay soo badnayso Islaam-nacaybka (Islamo-phobia). Hoggaamiyaasha Muslimiinta ayaa shirkaan jaraa’id ku dalbaday Qodobdaan:1. Baaritaan madax–bannaan in si dhaqso badan lagu sameeyo

  1. Waxay u mahadceliyaan sida deg-degga ahayd ee madaxda federaalka gobalka Minnesota laga doorta ay arrintaan uga jawaabeen Congressman Keith Ellison, Senator Al-Franken, iyo Duqa Magaalada Minneaplis Betsy Hodges.

Congressman Keith Ellison iyo Senator Al-Franken ayaa Waraaq u diray Wasiirka Amniga U.SA Jeh Johnson in si degdeg ah arintan faquuqa looga jawaabo oo baaritaan degdeg ah la sameeyo. Madaxda Muslimiinta ayaa aritan soo dhaweeyay oo xoojiyay baaqan.

Hay’adahii Muslimiinta ahaa ee Shirkan Jaraaid qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa; CAIR (Council American Islamic Relations), Islamic Association of North America IANA, Masjid Abubakar Sadiq, Masjid Dacwa, Masjid Ixsaan, Midowga Jaaliyadda (Confederation of Somali Community of Minnesota), Urur u dooda Xaquuqda dadka Madow (Black Lives Matter), Urur kasoo horjeeda Islaam Nacaybka (Minnesota Against Islamophobia), guddoomiyaha degmada lixaad Abdi Warsame iyo xubno kale.

m1m2m4m5m6m7m8

 

Comments are closed