DDSI iyo Galmudug oo heshiis Jigjiga ku kala saxiixday

ddsiJigjiga (ESTV) 03/05/2016

Magaalada Jig-jiga ee caasimadda Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, ayaa waxaa maanta lagu saxiixay heshiis laga gaaray Colaadihii ka dhacday deegaanka Daac-dheer oo ku yaalla Xadka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiiskan saxiixiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxwaynaha DDS Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweynaha  Maamulka Gal-mudug ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed.

Qodobbada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah sidii colaada lagu soo afjari lahaa iyo in la saaro guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Ammaanka deegaannada ku yaalla Xadka Somalia iyo Itoobiya.

“Waxaa wadahadalladii aan u imid magaalada Jigjiga ee DDS dalka Itoobiya, kasoo baxay qodobbo aad muhiim u ah oo ay ka mid ahaayeen; Inaanay qulqulatadii ka dhacday xadka Soomaaliya iyo Itoobiya aanay mar kale soo laaban. In Dadka ku nool Xadka labada dal la walaaleeyo. Inaan Iskaashi ka yeellano innaga Galmudug ah iyo DDS Itoobiya arrimaha xuduudaha iyo wax walba oo amni-darro keeni kara,” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay BBC-da.

Sidoo kale, Guuleed ayaa ku tilmaamay qodobbada lagu heshiiyay inay wax-tar u noqon doonaan colaadaha soo laalabtay ee ka dhaca deegaannada xadka ku dhaw, isgaoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ku daaali doonaan sidii nabadda ay u xoojin lahaayeen.

Mar la weydiiyay su’aal ah; in deegaannada ay colaaduhu ka dhacaan in dhanka Galmudug ay ku yaallaan iyo inay dhanka Itoobiya xigaan, ayuu ku Jawaabay. “Waxay u badan yihiin dhinaca Itoobiya, laakiin wax dhibaato ah hadda ma jiraan, waxaana ku dadaali doonnaa in aanay mar kale dhibaatadu soo laaban.”

Waxaa kaloo C/rkariin Guuleed la weydiiyay, Wuxuu ka og-yahay wararka sheegaya inay shacab ka tirsan kuwa Gal-mudug dhanka dalka Itoobiya tageen oo ay dageen, wuxuuna ku Jawaabay. “Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah, meel walba ha joogaane. Waa xoolo dhaqato mar walbana wadaaga daaqsin iyo deegaan, waxayna dhibaatooyinkii dhex-maray ka mid ahaayeen waxyaabihii aan ka heshiinay wax dhib ah oo hadda taaganna ma ahan.”

Su’aal ahayd in goobta wadahadalladu ka socdeen uu ka muuqday Axmed Madoobe halka uu kasoo galay? Wuxuuna Guuleed uga jawaabay. “Axmed Madoobe waa oday ka mid ah odayaasha Soomaaliyeed, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii isku hawlay sidii xasarraan loo joojin lahaa… wuxuuna u soo galay si dhex-dhexaadnimo iyo isku soo dhaweyn ah.”

Guuleed ayaa sidoo kale la weydiiyay, In la is-weydiin karo aaway doorkii dowladda FS ee Wada-hadalladan? Isagoo kaga jawaabay. “Doorkii Dowladda Federaalka Somalia meesha kama marnayn, waxaana wakiil ka ahaa Dowladda dhexe goobjoogna ka ahaa kulamadaan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wuxuuna isagoo wakiilka ka ah Xukuumada dhexe ee ayuuna heshiiska saxiixay.”

Ugu dambeyntii, C/kariin Guuleed oo la weydiiyay, marka lsaga soo tago heshiiskaan  aad saxiideen, waxaa jira dad ay dhibaato kasoo gaartay colaadahaan Dhinicii ay doonaanba ha kasoo jeedaanne, marka maxaad dadkaas la hortagaysaan, ayuu kaga jawaabay.

“Waxaan la hor-tagaynaa inaan nabad u soo qaadnay, inaysan dhibaatada hadda soo gaaray mid ka weyn aysan soo gaarin. Marka labaad waxaan u soo qaadnay in deegaannadoodii ay si nabad ah ku deggenaadaan, dadkii colaaddu saameyeen ee deegaannadii ka barakacayna ay dib ugu soo laabtaan, dib u walaaloobaan, dib u heshiiyaan, dhibaato dambena aysan ka dhex-dhicin, iyadoo Arrintaan ay kawada shaqeyn doonaan guddi gaar ah oo labada dhinac ka socda.”

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalladii toddobaadkii hore ka dhacay deegaana Dac—dheer ayaa waxaa ku geeriyooday Tobannaan qofood, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, inkastoo xaaladdu ay markii dambe dagtay.

Comments are closed