Leicester City oo ku guuleysatey horyaalka kubadda cagta ee Ingriiska Premier League

wLeicester (NN) 03/05/2016

Naadiga kubadda cagta ee Leicester City ee ka dhisan dalka Ingriiska ayaa markii u horeysey taariikhdooda ku guuleystey horyaalka kubadda cagta ee Ingriiska ee loo yaqaan Premier League.

Maalintii sabtida ayey la dhaaftey in ay ku guuleystaan Horyaalka kadib markii ay bar-bardhac galeen. Ciyaartii fiidnimadii Isniinta dhex martey Chelsea iy Tottenham ayaa haddii laga badiyo Tottenham oo ugu soo dhaw dhanka dhibcaha ama barbaro gasho ay Leicester City noqoneysey Champion, waxaana ciyaartii ku dhamaatey 2-2, kadib waxaa dariiqyada magaalada Leicester xirey taageerayaasha kooxda Leicter oo u dabaaldageyey guusha ay gaareen markii u horeysey.

Tababaraha Leicester City ee u dhashey dalka Taylaaniga Mr. Claudio Ranieri ayaa isla markiiba telefoon u direy Tabaraha kooxda Chelase Guus Hiddink, waxaana uu ku mahadiyey sidii wanaagsaneyd ee ay u ciyaareen qaybtii danbe ee ciyaarta oo ay la yimaadeen laba gool, maadaama bar-bardhaca ay la yimaadeen uu u horseedey guusha Leicester City ay gaartey.

Kooxda Leicester City oo ka socda magaalada Leicester ayaa dhigtey taariikh cusub, maadaama aan loo saadaalinayen guushan oo kale waxaana horyaalka Ingriisku tan iyo sanadkii 1992 u xirnaa kooxo yar oo dhaqaale faro badan haysta isla markaana soo iibsan kara ciyaartoowga ugu wanaagsan caalamka, marka laga reebo sanadkii 1994/95 oo ay qaadey kooxda yar ee Blackburn Rovers oo markaas wadatey ciyaaryahankii caanka ahaa ee Alan Shearer.

Leicester City ayaa ciyaar xiliyeedka 2015/16 laga badiyey saddex jeer oo keliya, halka sanadkii hore ay ku sigteen in ay dib ugu noqdaan First Division, ciyaaraha PL waxaa ka harsan laba ciyaarood oo keliya Leicester City waxay ciyaartey 36 ciyaarood waxay leedahay 77 dhibcood kooxda ku soo xigta ee Tottenham Spurs ayaa ciyaartey 36 ciyaarood waxayna haystaan 70 dhibcood.

Guushaani ayaa u horseedeysa kooxda lagu naaneyso Dawacooyinka (Foxes) Magac, Dhaqaale iyo in ay tartan adag la galaan shanta kooxood ee xirtey Premier League.

Comments are closed