Waxaa kaloo uu afhayeenka ciidanku ka hadlay dhalinyaradda xaafadaha oo uu sheegay inay amni daro ku kacaan, waxaanu waalidka usoo jeediyey inay caruurtooda wax ka qabtaan, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan idiin sheegaya in dhalinyaraddii xaafaduhu inay amni daro la soo baxeen, isla markaana qaar badan aanu qabanay, waxaana waalidka dhalay u sheegayna inta aan la soo qaban waa inuu wiilkaasi wax ka qabta haddii uu gacanta ciidanka soo gallo talaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadayna”
Afhayeenka ciidanka Booliska oo sheegay goorta la soo qabtay iyo dambiga lagu haysto sheikh Aadan Sunne oo si weyn looga yaqaano magaaladda Hargeysa, waxa uu yidhi “Waxaanu halkan idinka sheegayna in xalay (habeen hore) oo bishu aheyd laba ay saacaduna aheyd ilaa 12:20 habeenimo ciidanka boolisku waxaa ay soo qabteen oo ay xarunta C.I.D ay ku xidheen sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) sheekhaasi waxaa uu ku kacey falal nabad galyo daro oo khatar ku ah bulshada Somaliland . Hadhow baad iska odhan doontaan sheekh baa la isku soo xidhay la iskama soo xidhin ee dariiqii sharciga ahaa baa loo maray danbigaas uu galay kiiskiisa waa la baadhey warqada qabashada maxkamada ayaa u soo jartey oo uu ku xidhan yahay, waxaan deg deg loo geyn hor geyn doona maxkamada, waxaan usoo jeedinaya ninka wadaad iyo diin ka shaqeeya inuu umada isku xidhnaanshihiisa iyo wanaaga ka shaqeeya weeyi, looma baahna falal kicin oo dadka lagu kicinayo ama amni daro abuuri kara inuu ka shaqeeyo looma baahnaa ”
Wadaadkan ayaa dhawr jeer oo hore xabsiga loo taxaabay, inkasto markii dambe la iska sii daayey.
Comments are closed