Daawo Doorashada USA: Trump & Sanders oo ku guuleystay Codbixintii Indiana iyo Cruz oo tartanka isaga haray

usaMareykanka (NN) 04/05/2016

Codbixintii is-reeb-reebka murashaxiinta xilka Madaxweynaha Maraykanka u tartameysa oo ka dhacday gobalka Indiana ayaa waxaa si weyn ugu guuleystay labada murashax ee kala ah Donald Trump iyo Bernie Sanders.

codbixinta-Indiana-USA

Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa dhankooda guul weyn halkaasi ku raacday Murashaxa Maalqabeenka ah ee Donald Trump oo helay in ka badan 53% cododka halka Murashaxii la tartamayey ee Senator Ted Cruz uu helay 36%, murashaxa sadexaad ee xisbigaasi John Kasich ayaa helay 7%.

TedCruz-fashilaad

Senator Ted Cruz oo isagu hogaamiya garabka xagjirka ah ee kirishtaanka ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa rajeenayey in gobalka Indiana uu ku guuleysto si uu u wiiqiyo guulaha badan ee uu gaarayey murashaxa Donald Trump, balse Cruz ayaa arrintan ku fashilay wuxuuna saacado kahor shaaciyey inuu joojiyey ololihii uu ugu jiray murashaxnimada xisbiga Jamhuuriga.

Mar haduu tartanka isaga baxay Senator Ted Cruz oo ahaa murashaxa labaad ee xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa hada muuqata in Donald Trump uu noqon doono murashaxa Xisbiga Jamhuuriga mateli doona doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta bisha November, maadaama murashaxa tartanka ku haray ee John Kasich oo kaalinta 3aad ku jiray uusan heysan codod ku filan oo uu kula tartamo Mr.Trump.

Dimuquraadiga
Dhinaca Xisbiga Dimuquraadiga, Hillary Clinton oo weli cododka xisbigaasi hogaamineysa ayaa la filayey inay ku guuleysan doonto gobalka Indiana balse waxaa si lama filaan ah uga codod badiyey Murashaxa la tartamaya ee Senator Bernie Sanders oo isagu taageero xoogleh ka helaya dhalinta dooneysa isbedalka.

Bernie-Sanders-feelthebern

Warbaahinta waaweyn ee dalkaasi Maraykanka oo iyagu si hoose utaageera Hillary Clinton ayaa sii saadaalinayey in gobalka Indiana Mrs.Clinton ku guuleysan doonto, balse saadaalintaasi ayaa beenowday, wuxuuna Senator Bernie Sanders helay 52% cododka halka Hillary Clinton ay heshay 47%.

Bernie Sanders ayaa sheegay inuusan tartanka ka hari doonin isla markaana uu ololihiisa sii wadi doono illaa laga gaarayo shirweynaha Dimuquraadiga, wuxuuna sheegay in kacdoonkiisa isbedal doonka ah aysan ujoojin doonin baaqyada uga imaanaya dhinaca taageerayaasha Hillary Clinton oo usoo jeedinaya inay tartanka isaga haraan si Murashaxa rasmiga ah ay u noqoto Mrs.Clinton oo taageero xoogan ka heysta hogaanka xisbiga Dimuquraadiga.

 

Comments are closed