Daawo Mudaaharaad looga soo horjeedo sicir-bararka iyo qiimaha dollarka oo Bosaso ka dhacay

boosaasoBoosaaso (NN) 05/05/2016

Magaalada Bosaso oo ah Xarunta ganacsiga ee Puntland waxaa maanta oo Arbaca ka dhacay Mudaaharaad ay ka qayb-qaateen ganacsatada yar-yar oo sheegay in ay si weyn u saameysey kicitaanka lacagta dollarka iyo macayshadda.

Dadka banaanbaxayey ayaa sheegay in lacagta dollarku ay noqotey lacagta rasmiga ah ee dalka ka jirta, canshuurtii lagu qaado, haddana ay marayso in basasha iyo baradhada lagu kala gato, dadkuna aysan haysan dollar isla amrkaana ay gaartey heerkii u saraysey.

Ganacsatada yar-yar ayaa sheegay in aysan Dowladda ka soo horjeedin mudaaharaadkooduna yahay mid nabadeed, waxaana ay dalbadeen in dolwaddu Dollarka dib u eegto oo dib loogu noqdo lacagtii Soomaaliga ahayd maadaama Dollarku faraha ka sii baxay.

Suuqa  weyn ee khudaarta ee magaalada Bosaso ayaan maanta shaqeyneyn, kadib markii ganacsatadu ay sheegeen waxa ay gadayaan in tahay khasaaro.

Mid kamid ah Hooyooyinka mudaaharaadey ayaa sheegtey, waxkasta lagu qiimeynayo doollarku maalintaas inta uu maraayo haddii Soomaali la bixinaayo, kan khudaarta keeney waxa uu wax ku qiimeysanayaa lacagta Dollarku malintaas inta ay marayso taas oo maalionkasta kor u sii socota, waxayna tiri dalku Ma dollar ayuu lee yahay mise lacag kale.

Dollarka ayaa markii u horeysey muddo 6 sano ah gaarey heerkii u saraysey waxaana uu ku dhaw yahay $1=26000Sh.So, suuqayada Puntland, waxaan la qabain ganacsiga magaalada Muqdisho, dollarkuna marayo heerkiisi caadiga ahaa.

Dadka maanta ka qaybgalay banaanbaxa Bosaso ayaa sheegay in aysan ka soo horjeedin lacagta ay Dowladdu samaysato ee Makiinadda Bosaso u taal ee ay doonayaan in arrinta gacanta lagu dhigo maadaama xilli xun lagu jiro.

Banaanbaxa iyo cabashada ka soo yeeraysa dadka ka ganacsada Bosaso ayaa ku soo beegmeysa iyada oo uu magaalada Bosaso joogo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Sidaan si lamid ah ayaa banaanbax ay dhigeen haweenka ganacsiga yar-yar ku haysta caasimadda Puntland ee Garoowe, kuwaas oo ku hor banaanbaxay Baarlamaanka Puntland waxaana ay dalabdeen in si deg-deg ah wax looga qabto.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dollarka cirka isku shareeray iyo kicitaanka macashadda iyada oo meelo badan ay ka taagan tahay abaar aad u kulul, isla markaana la galay xiligii bad xiranka, waxaana kor u kacay dalabka  lacagta adag ee dollarka kadib markii ganacsato si sharci darro ah ay lacagaha faalsada ah ee Burco iyo Cadaado dalka u soo geliyeen, taas oo dadku kala garan waayeen tii Bosaso lagu samaynaayey iyo kuwa Puntland la soo geliyey.

 

Comments are closed