Israel oo duqeysey marinka Gaza

israilGaza (NN) 05/05/2016

Israle ayaa qaadey weerar cirka ah oo ay ka fulisey marinka Gaza ee dhulka Falastiin. Ciidamada cirka ee Israel ayaa sheegtey in bartilmaameedku ahaa afar saldhig oo Xamaas leedahay.

Maalintii shalay ayaa diyaaradaha Israel duqeeyeen meelo kala geddisan oo ka mid ah koonfurta Gaza.

Xamaas kama hadlin khasaaraha ka dhashey weerarka. Ergayga Qaramada Midoobey ee GAZA u fadhiya Nickolay Mladenov ayaa wel-wel ka muujiyey in xaaladdu ka siid arto.

Israel ayaa sheeganaysa in Xamaas ay dhisatey godad dhulka hoostiisa mara, kuwaas oo soo gaaraya dhulka ay xoogga ku haysato Israel.

Dagaalkii socdey 50 maalmood socdey ee sanadkii 2014 ayaa Israel ku dishey 2,251 qof oo falastiiniyiin ah.

Comments are closed