Maalinta Umulisooyinka Dunida oo Loo Dabbaaldagayo Maanta

maantaMuqdisho (NN) 05/05/2016

Maanta oo kale sanad walba caalamka waxaa loo asteeyay maalinta umulisooyinka ayadoo hawlahooda la weyneeyo isla markaana loo dabbaal dago guulahooda.

Sidoo kale ayaa maanta oo kale waxaa laga fakaraa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka lasoo darsa hooyooyinka uurka leh gaar ahaan xilliga dhalmada ayagoo in badan oo ka mid ah ay waqtigaa dhiigbax u dhintaan.

Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah dalalka caalamka ugu badan isku guuritaanka dumarka waqtiga dhalmada ayadoo dumar badan ay xilligaa umul raacaan.

Sanadkaan gudihiisa ayaa waxaa Soomaaliya la sheegay in dumar badan ay umul raaceen ayadoo sababo badan ay keenaan dhibaatadaa sida nafaqo darro. Dumar badan ayaa sanakaan 2016 ku naf waayay Soomaaliya kadib markii abaarta daba dheeraatay ay ku keentay nafaqo darro taasoo dhiig bax kadib ay umul raaceen.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkaan ayaa halkudhagga la siiyay maalintan ololaheeda waxaa uu yahay ‘Dumarka iyo Dhallaanku waa Halbowlaha Umulisonimada’.

Umulisooyinka caalamka ayaa isku daya in dumarka dhalaya iyo dhallaanku ay helaan adeegyada caafimaad ee ugu wanaagsan.

Comments are closed