Raysalwasaaraha Turkiga oo lagu wado in uu is-casilo

axmedTurkiga (NN) 05/05/2016

Ahmed Davutoglu Raysalwasaaraha dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in uu xilka isaga dego kadib markii la sheegay in ay meelo badan ku kala aragti duwanaadeen Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan. Labadan nin ayaa ahaa kuwo aad isugu dhaw muddona soo wada shaqeeyey xisbiga AKP, inkasta oo khilaafkoodu soo jiitamaayey bilihii u danbeeyey.

 

Davutoglu ayaa ah hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee AKP, waxaana lagu wadaa in xisbigu qabsado shirweyne aan caadi ahayn oo lagu dooranayo hoggaanka xisbiga.

Maalintii Arbacada oo wadahadal qaatey 90 daqiiqo ay yesheen Davutoglu iyo Erdogan ayaan xal laga gaarin khilafka.

Lama oga gunta khilaafka waxaase  la aaminsan yahay in khilaafka ugu weyn uu ka taagan yahay Erdogan oo doonaya in wax laga beddelo dastuurka Turkiga, iyo nidaamka hadda jira ee ah Madaxweyne iyo raysalwasaare la soo wada doortey oo cod shacab ku yimid lagana dhigo in Madaxweynaha la soo doorto halka uu magacaabayo raysalwasaaraha, lana yareeyo awoodda Raysalwasaaraha.

Davutoglu ayaa si weyn loogu xasuustaa doorka uu ku lahaa heshiiska Turkiga iyo Midowga Yurub ay ka gaareen xiisadda qul-qulka qaxootiga ee Yurub mixnadda ku noqotey, inkasta oo Ergdogan marar badan ku eedeeyey Midowga Yurub laba wejiilayaal aan fulineyn heshiiska.

Siyaasiyiinta la aaminsan yahay in ay beddeli karaan Davutoglu ayaa ah Wasiirka Gadiidka Binali Yildirim, iyo wasiirka dhalinyarada ah ee Tamarta Berat Albayrak oo 38 jir ah, kaas oo qaba gabadh uu dhalay Erdogan.

Comments are closed