Gudoomiyaha Gobolka Shabeele & Mas’uuliin oo Booqday Mashruuca Biyo-xidheenka Sheygoosh Wijiwaaji

farxaan

Wijwaaji (ESTV) 06/05/2016

Gudoomiyaha gobolka Shabeelle Mudane Farxaan Abdi Maajuun iyo masuuliyiin kale oo lasocotey oo maanta booqdey Mashruuca weyn ee biyo xidheenka Sheygoosh-Wijiwaaji. Mashruucan oo kamida kuwa Shacabka DDSI Lagaga Saarayo Saboolnimada Laguna Gaarsiinayo Horumar aan Soonoqosho Laheyn.

Mashruucan oo ay Gacanta kuhayaan masuuliyiinta kala ah wasiirka jidadka DDSI mudane Abdirahman Mohamed iyo Maareeyaha kuliyada tababarka macalimiinta ee Dr Abdi-Majiid Mudane Mohamud Ahmed Heeryo oo ay Shaqadiisu Si Xawli ah Kusocoto, ayey Booqasho ku Gaareen Masuuliyiin uu Horkacayey Gudomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Farxaan Cabdi Maajuun kanamid ahaayeen masuuliyiinta kala ah Gudomiye kuxigeenka Gobalka Shabeele Mudane Sulaymaan, Afhayeenka Barlamanka MMG Mudane Cabdulahi Mukhtar, Madaxa xafisedka Maaliyada MMG Ayaan Cabdi Xasan, hoganka MMG Mudane Cabdikaafi, iyo Madaxa Arimaha Haweenka MMG Marwo Madaal oo maanta Booqasho kugaarey Mashruuca waraabka Beeraha Wijiwaaji- shaygoosh

Masuuliyiintata Mas’uuliintan ayaa warbaahinta u sheegeen in ay Aad ugu faraxsanyihiin sida ay howsha u wadaan Masuuliyiinta Qorshahan Mashruuca Biyo-xidheenka Weyn Ee Shaykoosh Wijiwaaji

Comments are closed